ciidamada sidda gaarka ah u tababar ee Danab ay howl gal ka fuliyeen degaan

 

 

 

Wararka naga soo gaaraya degaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada sidda gaarka ah u tababar ee Danab ay howl gal ka fuliyeen degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Degaanada Ciidamada ay howlgalka ka fuliyeen waxa ay hoos yimaddaan degmada Balcad.

Howlgalkaan ayaa yimid ka dib markii maalmihii lasoo dhaafay ay kordheen Weeraradda Al-Shabaab ee degmada Balcad.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Danab ayaa Risaala u sheegay in hadda ay ku jiraan howlgal,islamarkaana ay jiraan degaano Shabaab ay ka baxeen.

Waxaa uu sheegay sidoo kale Sarkaalkaasi in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda degaanada hoos yimaada Magaalada Balcad.

Degaanadii ay ka baxeen Shabaab ayaa waxaa la wareegay Ciidamada Danab , oo hadda ka wadda howlgal Miino Baaris ah.


Fikradaha Akhristayaasha (0)