Wararkii ugu Dambeeyay ee Qalalaasaha ka jira magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya

Faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan xaalada magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ugu yaraan sagaal ruux oo u dhalatay dalka Jabuuti ay ku dhinteen isku dhacyadii qowmiyadaha ku salaysnaa ee shalay ka dhacay magaalada Diridhaba.

Iskudhacyadan cusub ee u dhaxeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ayaa la sheegayaa inay ka dhasheen qalalaasihii Sabtidii ka dhacay magaalada Jigjiga ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Dhanka kalana wararku waxa ay sheegayaan in dhibaatadu ay u talowday dhinaca dalka Jabuuti halkaasna lagu dhaawacay labo ruux oo Oromo ah, sida uu sheegay taliyaha booliiska ee dalka Jabuuti Cabdullaahi Cabdi.

Taliyuha booliska dalka Jabuuti ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay dadkii weerarkaas qaaday.

Dowladda Itoobiya ayaa wufuud heer sare ah u dirtay dalka Eritrea si ay wadahadallo ula qaataan xubnaha ururka OLF ee ku sugan Eritrea, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Itoobiya.

Wufuudda waxaa hoggaaminaya wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Workneh Gebeyehu iyo madaxweynaha maamulka Oromada Lema Megersa, waxaana la filaya inay kulan Asmara kula qaataan hoggaamiyaha ururka OLF Dawud Ibsa.


Fikradaha Akhristayaasha (0)