Ciidamada Dowladda Soomaaliya Ayaa Toogtay….

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa toogtay rag hubeysan oo saarnaa gaari nooca raaxadda ah oo marayay Isgoyska Saybiyaano ee degmada Hodon.

Ciidamada dowladda ee toogtay ragga hubeysan ayaa watay gaari Cabdibile ah, waxaana la sheegay ka hor toogashadda in ay dhexmartay israsaaseyn.

Labada nin oo saarnaa gaariga Raaxadda ah ayaa dhintay , waxaana sidoo kale dhaawacmay Saddex Askari  oo saarnaa gaariga Cabdi bilaha ah.

Hay’addaha Ammaanka dowladda Soomaliya ayaa goobta soo gaaray, waxaana ay halkaasi ka qaadeen dhaawaca Askarta, iyadoo wali kooxihii hubeysanaa ay Meydadkooda Midna uu dhulka yaallo Mid gaariga Saaran yahay.

Lama ogga Labada nin ay ee Ciidamada toogteen waxa ay ahaayeen.


Fikradaha Akhristayaasha (0)