Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ka Hadlay Dacwadaha Loo Heesto

Xeer ilaalayaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa markii u gu horeysay  ka hadlay dacwada loo heysto Wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda Somaaliya Muqtaar Mahad Daa’uud oo ciidamo saaka xafiiskiisa ay ugu tageen.

Dr. Axmed Cali Daahir oo shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho isagoo uu dhinac taagan yahay Hanti-Dhowraha guud ee Qaranka ayaa  sheegay in maxkamadda awoodda u leh loo gudbin doonno Kiiska wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda oo hey’adaha Fullinta Sharcigu ay baaritaanno ku wadaan hadda.

Xafiiska Hanti-Dhowrka ayuu sheegay inuu baaritaano ku hayay Wasiir ku xigeenka arimaha dibbeda Soomaliya mudo kusiman 4 Bilood.

Waxa uu sheegay iney baaris dheer kadib ay soo baxday fal danbiyeedyo lagu helay Wasiirka oo ay qeyb ka tahay;

Ku Xadgudub Xatooyo xoolo dadweyne,

Ku Xadguduba awood Xafiiseed,

Ku Daneysi shaqsiyadeed xoolo Xafiiseed iyo diidid howl qabasho Xafiis iyo

Ku xadgudbid Sharciga Maaliyada ee dalka.

Hay’adaha fulinta sharciga ayuu sheegay in Kiiskan hada gacanta ku hayaan, si ay udhaqan geliyaan awaamirta soo baxday ee ka dhanka ah Muqtaar Mahad.

 


Fikradaha Akhristayaasha (0)