Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad Ayaa Sheegay in La Xaliyay Xiisad Saaka ka Jirtay Xarunta Wasaaradda…

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya  ayaa sheegay in la xaliyay xiisad saaka ka jirtay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee magaalada Muqdisho, kaddib markii Ciidamo Boolis oo watay warqad maxkamadeed ay isku dayeen inay soo xiraan Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Mukhtaar Mahad Daa’uud.

Axmed Ciise Cawad oo ku sugan magaalada Garowe ayaa sheegay in muranka la xaliyay, isla markaana ciidamada booliska dib loo celiyay, kaddib markii uu amray Ra’iisul Wasaaraha.

“Arrintaas waa la xaliyay, Ra’iisul wasaaraha ayaa amar bixiyay, Jeneraalkii Booliska ayaa xarunta tagay, ciidankii booliska dib ayaa loo celiyay Wasiirkana shaqadiisa ayuu wataa, wixii sharci iyo Maxkamad waqtigeeda leedahay”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda oo wareysi siiyay Idaacada BBC.

Ciidamada Booliska ee gudaha u galay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa watay warqad maxkamadeed oo aan ujeedkeeda cadeyn, balse la sheegay inay ka socotay xafiiska Xeer Ilaalinta.

Ilaalada Xarunta Wasaaradda iyo shaqaalaha ayaa is hor-taagay isku dayga Xariga, waxaana in muddo ah xarunta gudaheeda ka jiray buuq iyo muran, taasoo markii dambe uu soo farageliyay Taliyaha Booliska Soomaaliya.

Ilo ku dhow dhow Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska aanay soo marin wadadii sharciga ahaa, sida in marka hore in Mas’uulka xasaanad laga qaado iyo in aan mas’uul xafiiskiisa jooga la xiri karin.

Arrintan ayaa salka ku heysa muran u dhaxeeya Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Wasaaradda Maaliyadda oo ku saabsan kharashaadka Wasaaradda Arrimaha Dibadda soo gala oo Wasaaradda Maaliyadda dalbatay in lagu soo wareejiyo iyo baaritaan Xafiiska Hantidhowrka ka waday Xarunta Wasaaradda.


Fikradaha Akhristayaasha (0)