Maamulka Jubaland ayaa markii ugu horeeysay waxa ay ka hadleen Falkii Ciidamo katirsan kuwa Kenya ay Kufsi wadareedka ugu geesteen

Maamulka Jubaland ayaa markii ugu horeeysay waxa ay ka hadleen Falkii Ciidamo katirsan kuwa Kenya ay Kufsi wadareedka ugu geesteen Gabdho Soomaaliyeed oo ku dhaqnaa Gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya.

Cabdi Raxmaan Maxamed Xuseen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha Jubaland oo warbaabinta la hadlay ayaa Sheegay in ay baaritaanno arintan ku adaan ay wadaan Sidoo kalana ay hadlaan Kufsi wadareedka dhacay  Saraakiishan Ciidamada Kenya ee fadhigoodu yahay Kismaayo.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in arintan ay isku fahmeen iyaga iyo Taliska Ciidanka Kenya oo ay Sameeyn doonaan baaritaanno wadajir ah si loo ogaada Sida rasmiga ah ee ay wax udhaceen iyo Askartii falkan ka danbeysay.

Maamulka Jubland iyoDowladda dhexe ee Soomaaliyaba siweyn ayaa loogu dhaliilay qaabka ay uwajahaan guud ahaan gabood falada aan geedka logu soo ganban ee Ciidamda Kenyaanku ay ka wadaan Gobolka Gedo oo ay ugu danbeeysay Kursi wadareedka loo geesta gabdhahan.


Fikradaha Akhristayaasha (0)