Ciidamada Ammaanka oo Howlgal ay ka Sameeyeen Muqdisho…

Howlgal ay ciidamada Ammaanka Soomaaliya ay ka sameyeen xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ay ku soo qabteen sarkaal la sheegay in uu ka tirsan yahay ururka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Eng,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yarisiow ayaa sheegay in Ciidamada Amniga oo kaashanaya  Shacabka degmada Wadajir ay gacanta ku dhigeen Sarkaal ka tirsan Alshabaab.

“Waxaan u mahadcelinayaa Shacabka Degmada Wadajir oo gacan ka geystay in la soo qabto Horjooge ka tirsan argagixisada Alshabaab, kaas oo doonayey in uu ku dhex dhuumaaleysto shacabka.”ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Si kasta ha ahaatee lama soo bandhigin magaca sarkaalkan la sheegay in uu ka tirsanaa Alshabaab. Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa dhowana lagu wareejiyay ciidamo Boolis ah iyadoo laga qaaday wadooyinka magaalada Muqdisho ciidamo loogu magac daray ciidamada xasilinta.


Fikradaha Akhristayaasha (0)