Waxaa Magaalada Muqdisho Booqasho Aan La Sii Shaacin ku yimid Xoghayaha Difaaca UK Gavin Williamson…

Waxaa magaalada Muqdisho booqasho aan la sii shaacin ku yimid Xoghayaha Difaaca UK Gavin Williamson, kaas oo si weyn loo soo dhaweeyay.

Xoghayaha ayaa kulan gaar ah xarunta madaxtooyada kula qaatay madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Waxaana ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah sida ammaanka, kordhinta taageerada dowladda Ingiriiska ay siiso Soomaaliya iyo arrimo kale.

Sidoo kale Xoghayaha Difaaca UK ayaa la kulmay Wasiirka Difaaca XFS Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe), Taliyaha Xoogga dalka, Taliyaha AMISOM, iyagoo ka wada hadlay arrimaha ammaanka iyo dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab.

Ingiriiska ayaa ka mid ah dalalka taageero dowladda federaalka ah ee Soomaliya, waxaana saraakiil tababarayaal ka joogaan Soomaaliya.


Fikradaha Akhristayaasha (0)