MAANSO JACEYL..

Rubuc li’ 5-ta aroornimo
Anoo hurdo raaxo leh hurdaaya
markaad riyada igu timaaday
adoo lagu mood Rihana
uduga riixaan janaad leh
kolkaad i garabtimaaday
anoon ra’yigiyo amaan ku heesin
sow habaar qabe oo ordaaya
intuu hoon BIIB ka siiyay
adoon hubsan hadalkeyga
iridiyo maad abaarin dhinaciisa.

Anoo yaabanoo rafaadsan
talo igu laba labowday
rajeynayo rogaal celintaada
intaad ka daba raxleysay
sow maad raacin Royal royce-gi

markaan yeeridiyo bilaabay
adiga dib usoo celintaada
anoo is leh waa hashaadee
ka rido rugcaddaaaga ooman
durbaba haatintiyo waa taad bilowday wiiqee

Anoo rasmiyoo ku raacsan
ra’sumaalkii reerkiin diyaarshay
ruqsadi adiga kaa sugaaya
misna rose adi kuu ruxaaya
hadaad mid kaleete raacday
ogow aduun waa race-e
mar un baad rugteyda iman
anna ku raacin waayaha.


Fikradaha Akhristayaasha (0)