MAARENTA KHILAFKA LAMAA NAYAASHA

 

 

Ma jiro maanta mana helayo lamaane aan is khilaafin haba kala darnaadaane laakiin mushkiladdu waxay tahay qaabkii iyo sidii loo xalin lahaa.
dhibaato meel ka dhacdaana ninba meel bay si gooni ah uga saameysaa maxay u dhaceen lama yidhaahdee waa sidee loo xalliyaa!!

Nasiib darradu waxa weeyaan in khilaaf midka u hooseeya loo kala hijroodo waxaaba dhici karta in shaqsiga ama lamaanaga kaa carooday uu caro dartiis kaaga xerto qalbigiisa iyadoo sheydaan uu dhagaha si qaab daran wax ugu sheego, waayo caradu waxay indha tirtaa qofka, daawo kale malaha aan ka aheyn in lamaanihiisa uu niyada u dajiyo maahane, hadii uu intaas sameyn waayana wuxuu ka shalaayaa waqti ay shalaayto wax tareyn maxaase ka khasaaro badan inaad gacantaada ku burburiso rajadi iyo riyadi aad intaasoo mudo soo beereysen.

1- Hadaba si aad ugu hor tagtid waxyaabaha qaar ee keeni kara in lakala caroodo tusi lamaanahaga oo dareensii inaad tahay qofka kaliya ee maanta siin kara farxada iyo kalsoonida dunida oo idil taala kana mid noqo qof ka guuleystay sheydaanka idin soo dhex gali lahaa.

2- Haddii ay dhacaan is af garan waa ama is khilaaf dhexdiina ah isku day adiga inaad noqoto qof usamra lamaanihiisa asigoo eegaya wanaagi iy waayihi idin soo dhex maray, kana fogow mindi mindi ku taag oo macnaheedu yahay in qaladka lagu saxo qalad.

3- Xumaan walba oo lamaanahaga kugu sameyo ugu badal wanaag iyo kalgaceyl saafi ah una muuji dulqaad badan si aad ugu sii dhaqaaqdo booska aad hada ku leedahay qalbiga lamaanahaga uguna hesho boos ka sareeya booski hore

Hadii intaas lagaa helo waxaad ku guuleysatay inta noloshiina ka dhiman inaad farxad ku noolaataan weligiinana aysan khilaaf idin soo dhex galin,


Fikradaha Akhristayaasha (0)