DAREEMAHA QALBIGA IYO RAJADA NOLOSHA.

 

Qalbigaa ku tabay hadii aanan saacado ku aragna waqtigu wuu ila dheeraadaa,   garaaca wadnaha wuxuu i noqdaa mid boobsiis ah marka aan ku hortaaganahay, ma hubo dareen nuucan ah inuu horey iisoo maray, laakin waxaan hubin karaa inaan kugu riyoodo dharaar iyo habeen, islamarkaana aan kuu riyaaqo Indhuhu wey kugu doogsadaan.

Malaga yaabaa in waxa aan dareemaayo yahay jaceylkii dhabta ahaa ee buugaagta keliya lagu xusi jiray? Mise aniga ayey ii sawiran tahay oo ay igu muuqataa in dunida xagaaga keliya dhadhan iyo macanba ka leedahay?

Rajeynta inaad dhinacageyga taagnaan doontid abid inta nolosheyda ka dhiman sababtoo ah waxaan qabay dareen ah in jaceylkaaga uu ku tiirsan yahay dareen kulul. hadii aan adiga kula wadaagno nolosha waxaan noqonayaa shaqsiga aduunka ugu nasiibka wanaagsan.
Waad iga istaahishaa inaan kuu riyaaqo, inaan ku xushmeeyo, waxaan kaa helaa bogaadin inta ugu badan waxaan kaa helaa jaceyl mug leh.

Jaceylku waa sida dagaal si fudud ku bilowda wuxuuna ku dhamaadaa si adag macquulna ma’ahan in sahlan lagu ilaawo.

Waxaan rajeynaa inaad si wanaagsan u fahanto inaan ku jeclaan doono ilaa inta ka dhiman nolosha, sababtoo ah waxaad tahay qofka keliya ee nafta bogsiisa isla markaana aan ku aaminay riyada mustaqbalkeyga.

Marwalba dhinacaaga iga fiiri xabiibi, wax dhib ahna malahan duruurfaha adage e nolosha waxa keliya ee looga gudbi karaa ah qalbi saafi oo jaceyl iyo daryeel kuula diyaar ah, jaceylkeyga waa mid qoto dheer oo runta ku saleysan, xiisuhu wuxuu kordhiyaa aragtiyada caashaqa, qalbiguna wuxuu u garaacmaa si dhaqsi leh markaan isha ku saaro, waana arinta ugu macaan ee nolosheyda soo marta inaan habeen iyo maalin qalbiga kuugu hayo.

Jaceylkeyga weligiis wuxuu ahaan doonaa mid kal iyo laab loga ilaaliyey qiyaano iyo daneysi, nafteyda ayanba ii ogolaaneynin iney ilbiriqsiyo qof aan adiga aheyn isha ku xado.

Jaceylku waa sida xidigaha, waxaa loo saadaaliyaa sida riyada nolosha, waxaa loo hagaajiyaa sida nolosha tan iyo markii aan adiga ku arkayna nolosheydoo idil adigaa milkiyey ama hantay.

Qalbigu wuxuu leeyahay ereyo u gaar ah oo lagu koriyo jaceylka, waa ereyo mudan in la xanaaneeyo, adigana waxaad ii tahay qof si qaas ah qiimo ugu leh jiritaankeyga.
Waan ku tabayaa, maalmahana waan xisaabiyaa, waa igala qiima badan yihiin saacadaha aan kula kulmaayo maalinta saacadaheeda kale.

Marna ma ilaabi doono ruuxdaada aadka u quruxda badan ee loo wada riyaaqay, ee awooda u leh iney iga dhigto qof aaminsan sida ay u macaan tahay nolosha, sida ay u wanaagsan tahay joogitaankaaga oo aniga iga dhigay qofkan dhameystiran, waxaad ii hirgelisay riyooyinkeyga iney noqdaan kuwa rumoobay, islamarkaana hamiga nolosha aan wadaagnay waa natiijada xanaano iyo xubi miro dhal ah.

Waqtigu wuu is guraa markaan adiga kula hadlayo ama kula shekeysanayo, adiga la´aantadana uma maleyo iney nolol jirto waxaana xaqiiqo ah hadii aadan adigu jiri laheyn inusan jaceylka iyo farxada nolosheyda maanta aysan jiri laheyn.

Marki aan maqlo qosolkada ama hadalkada macanta badan daremaha jirkeeyga oo idil wuu is bedelaa oo waxaa buxsho naxariis iyo jecel mug weyn mcn dunida ha igu cidleen waligaa waxa tahay qofka kaliya ee dunida ugu jeclahay aana ka fikiro har iyo habeen jiritaanka wada jirkeena.


Fikradaha Akhristayaasha (0)