SIDEE KU SOO JIIDAN KARTA JACEYL KAADA

 

Dunidaan aynu guudkeeda saaranahay waxa ku nool qoomiyado kala duwan
kuwaas oo aan isku diin, isku af, iyo isku dhaqan toona ahayn, balse
wax ay kawada siman yihiin dareenka, jaceylka, hinaasaha ama maseyrka iyo
waxyaabo kale oo badan.

Qarniyadii hore jaceylka waxaa uu ahaa mid ay dadku aad u qadariyaan
aadna u qiimeeyaan. Waxaynu ognahay in dad badan ay u dhinteen
jaceylka halka kuwa kalana dhibaatooyin badan kala kulmeen.

Qarnigaan aynu ku jirno dad badani waxa ay aaminsanyihiin in jaceylku
yahay wax jira, halka kuwa kalana ay u heystaan in jaceylku uu yahay
wax aan jirin oo ku kooban afka oo kaliya oo aanan uurka jirin.
Laakiin waxaa xaqiiqa ah in jaceylku yahay wax jira kaasi oo ka
bilowda ka helitaan iskuna bedela dareen ku abuurma qofka qalbigiisa,
dadka aaminsan in jaceylku aan ahayn wax aan jirin waxaan dhihi karnaa
waa kuwa aan fahamsaneyn wax uu yahay jaceylka oo aan wali wax
jeclaan.

Hadaba su´aashu waa side kuso jiidan kartaa qalbi kaa sii jeeda?

Dhalinyaro badan ayey arintaani lasoo gudboonaatay kuwaasi oo qaarkood
ku degdegay in ay u soo bandhigtaan jaceylkooda qofkii ay jeclaayeen
iyagoo aan isweydiin maxaa kaaga imaan kara, waxa dhacda inta badan in qofkii ay u soo bandhigteen jaceylkooda uu soo dhaweeyo soo dhaweyn aan uurka jirin balse ay katahay niyad dhis, iyadoo qofkii jaceylka hayayna uu u qaato inuu ku guuleystay
jaceylkiisa oo uu helay qofkii uu gaclooday.

Laakiin muddo ka dib ayuu ogaadaa in uusan helin jaceylkiisa oo uu ku
guul dareystay kasbashada qofkii uu qalbigiisa u taamayay.

Taasina waxa ay sababtaa niyad jab weyn iyo iyadoo qalibigiisu soo
gaaro dhaawac xanuun badan.
Qaar kale oo ka mid ah dhalintaan waxaa ay danta ku kaliftaa in ay
qarsadaan jaceylkooda intii ay guul daro iyo xumeyn kala kulmi
lahaayeen u soo bandhigida qofkii ay jeclaayen.

Taasina ma ahan mid uu qalbigooda ku bogsanayo, waxaana kusii kordhaya
jaceylka iyo rabitaanka uu u qabo qofka uu jacelyahay, Soomaaliduna
waxa ay ku maahmaahdaa waxaad qarsato weey ku qarsadaan.

Hadaba hadii ay kula soo gudboonaato arintaan oo kale oo aad
weydo sidii aad u heli lahayd ama ku kasbanlahayd qofka aad jeceshahay
qalbigiisa, waxaad kaga bogankartaa qoraalkan oo aad kaga caawinaya, weyna fududahay hadii aad sameeyso shuruudahaan soo socada.

1- SOO BANDHIGASHO

Ugu horeyn hanoqon qof ku degdega u bandhigida ama ugudbinta qofka
aad jeceshahay fariiintaada jaceylka.

2- DABEECAD

Waa inaad tahay qof furfuran oo dabeecad wanaagsana leh.

3- XISHOOD

Mar waloba waxaa lama huraan ah inaad ahaato qof xishood badan.

4- QURUX

Waa inaad tahay qof qurux badan soo jiidashana leh, quruxduna maha mida wajiga kaliya ee waa quruxda qarsan ee dabciga iyo hab dhaqanka wanaagsan.

5- XOG OGAANSHO BALWAD

Hadii aad tahay gabadh ama wiil ku dadaal sidii aad u ogaan laheyd
qofka aad jeceshahay waxyaabaha uu xiiseeyo ama balwadiisu tahay
adigoo aan weydiin qofka aad jeceshahay, Balse raadi wada kale oo aad ku ogaan karto sida adigoo ka wareysanaya saaxiibkii ama saaxibadeed
adigoo aan lagaa dareemin u jeedkaadu waxa uu yahay.

6- SHEEKO

Mar walba uga sheekeey qofka aad jeceshahay waxyaabaha uu xiiseeyo uuna ka helo ama ay ka hesho iney dhagaheedu/dhagahiisu kusoo dhacaan.

7- XIRIIRIN

Qofka aad jeceshahay hadii uu yahay qof kaa fog oo aad laba wadan ku
kala nooshihiin ku dadaal sidii aad u xiriirin laheyd mar walba adigoo
telifoon kula hadlaya ama waraaqo lagu qoray ereyo qalbiga u roon
uguna diraya aalada casriga ah ee internetka, hadiise aad hal wadan wada
joogtaan, ama aad meel kawada shaqeysaan waa inaad mar walba ku soo
dhaweysaa waji furan oo ay farxadi ka muuqato.

8- KA WARQABID

Qofka aad gaclootay hadii uu kaa fogyahay ama meel wada joogtaan
noqo qof ka warqaba oo la qeybsada farxad iyo murug wixii soo wajaha.

9- XIISO

Noqo qof loo xiiso marka uu maqanyahay iyo marka uu joogaba.

10- BALANTA

Waa inaad tahay qof mar walba ilaaliya balanta.

11- HADIYADO

Kudadaal in aad u hadiyadeyso qofka aad jeceshahay waxyaabaha uu
xiiseeyo.Ogowna hadiyadeynta waxey qeyb libaax leh ka qaadataa
kobcinta jaceylka.

12- TIXGELIN

Hadii aad mar waliba qofka aad dooneyso dantiisa aad ka hormariso adiga dantaada qofkaasi waxa uu dareemayaa ugu danbeyn inad si qaas ah u texgiliso misna qalbigaada aad ugu weyn yahay.

Intaas kadib adiga oo aan waxba sameyn ama aadan soo bandhigan ayaa laga yaaba in qofka aad dooneyso in ay dareemihiisa ushegan inaad tahay qofka kaliya ee xaqa u leh in jaceyl uu la wadaago, qofka intaasi kugu dareemi waayo si kale hadii isu heshaan xetaa waligii sirta nolosha makula fahmayo ee waqtigaada haku sii lumin.


Fikradaha Akhristayaasha (0)