Qiso Jaceyl ‘’Noloshaa Dhamaatay Jacaylku Ma Dhamaan”

Axmediyo zahra waxay isku barteen goob lagu daawado filimada jacaylka ah sanadkii 1973 ku taalo dalka shiinaha goor habeenimo ah salaanta waxaa ku horeeyay Feng ming oo ah ninka kadib waa ay isbarteen waxuuna ka qortay cinwaanka guriga iyo numbarkeeda kadibna siday uwada sheekeesanayeen iyagoon waxba ka dhaxayn buu habeenimo jimco ah wacay una sheegay inuu aad u jeclaaday iyada.

Durbaba way ka aqbashay waxay wada socdeen mudo 3 sano ah kadibna way isguursadeen maalinti ay isguursadeenba waxaa hadana bilowday nolol qurux badan oo ay ku faraxsanaayeen labadooduba waxay iskusii qaadeen jaceelka aduunka waxay isla gaareen waayeelnimo walina jaceylkoodii sidii iyo si kasii qurux badan buu noqday

Waxaa xanuun soo wajahay ninkii axmedg koomo ayuu galay waxaa la dhigay isbital, waalaga saaray caafimaadkiisu wuu hagaagay kadib bilo hadana xanuun aad u daran baa soo wajahay waxaa lagu celshey isbitaalkii markuu maalin ku jiray buu dhaqtarkiisii intuu uwacay ku yiri dag dag halaygu keeno zahra  oo ahayd xaaskiisa noloshiisa markii loo keenay waxaa la’ag jiifiyay halkuu jiifay kadibna gacanta bidix buu u haatiyay(udhiibay) way ka qabatay markaasuu ku yiri “Aduunka intaan kunoolaa hal ixsaan baan ku hayaa oo ah inaad iga aqbashay inaad ila haasaawdo ama iga aqbasho xiriirka dhexdeena aadbaan kaaga mahadcelinayaa magaraneysaa sababta aan gacantan bidix kuugu soo taagay” Waxay tiri (Maya) markuusuu yiri habeenki iigu horeysay aan ku arkaye gacanti aan kuu haatiyay ama kuugu wacay waxay ahayd gacantan aad hada heeso waxaan rajeenayaa bilow iyo dhamaad inay noqotay biloowgii waan kuu haatiyay dhamaadkana waan kuu dhiibay”

Markuu hadalku halkaas marayo ayuu yiri waan ku jecelahay wuuna dhintay isagoo 92 jir ah

Kadib 2 saacadood naxdin iyo isku dhexyaac ay qaaday zahra way geeriyootay


Fikradaha Akhristayaasha (0)