MAXEY KU KALA DUWAN YIHIN UBAD KA NAASKA HOOYO LA SIIYO IYO KUWA KALE….

 

Naas nuujinta faaido aad u wayn ayaa ku jirta, ilaaheyne quraankiisa in laba sano la nuujiyo cunuga ayuu ku sheegay.
Waxaan isku dayayaa inaan idiin soo koobo faaidada naas nuujinta ay u leedahay cunuga iyo hooyadaba.

Faaidada ay u leedahay hooyada:

  • Uma baahna diyaarin
  • Dhaqaale ahaan, waa cuntada aduunka ugu raqiisan
  • Waa cunto waqti walba diyaar ah, habeen, maalin iyo meel walba aad joogtid
  • Waxay saacidaa minka unuu xirmo oo dhiiga istaago markii haweenka ay dhalaan
  • Xiriirka hooyada iyo cunuga ayuu siyaadiyaa (Emotional satisfaction)
  • Wuxuu yareeyaa cancerka ku dhaca naasaha haweenka
  • Wuxuu dheereeyaa, ilmahaaga waqtiga u kala dhaxeeya (birth spacing) taasoo ka qeyb qaadata (Family plannig)

Faaidada ay u leedahay cunuga:

  • Waa cunto dabiici ah oo isku dheeli tiran, lagana heli karo wax kasto oo nafaqo ah oo uu u baahanyahay cunugaaga.
    – waxaa ku jira lactose badan kaasoo keena “Glactolipids + Fatty acids” kuwaasoo ka qeybta koriinka maskaxda, diraaso cusub oo la sameeyay waxa ay sheegtay ilmaha la nuujiyay ay ka maskax sareeyaan ilmaha aan la nuujin.
    – Waxaa kaloo caanaha hooyada ku jira “Cholesterol” kaasoo ka qeyb qaata xuubid saarida neerfaha iyo ka hortaga inuu dhiiga fadhiisto xidida.
    – Proteinka ku jira caanaha hooyada waa brotiinada ugu sahlan ee caloosha ay shiido karto.
    – Phosphate-ka ku yar caanaha hooyada waxay ka hortagtaa inuu calcium-ka yaraado, kaasoo aad ugu muhiimsan ilmaha.
  • Waqti walbo diyaar, waa cuntada mar walbaa u baahato aad heli karto
  • Waa fresh mar walbo uma baahno in lagu daaro wax xifdiya.
  • Heer kulkiisa waa heer sare, mana qaboobo mana kululo
  • Caloosha wax dhib ah uma keenaan, si sahlan ayaa lagu shiidaa, si sahlane xiidmaha waa looga dhuuqaa taaso ku saacida cunuga inuu safiican u hurdo safiicane u koro.
  • Caadifada ayey siyaadisaa
  • Cunuga hooyadiis kama fogaanayo, iyadaa koriinkiisa ku dadaaleyso
  • Caanaha hooyada infection-ka way ka hortagaan noocyadiisa kala duwan
  • Caanaha hooyada waxaa ka buuxa waxii ka hortagi lahaa “Inflammations” sida Vitamin C iyo E.
  • Caanaha hooyada waxaa ku jira wixii ka hortagi lahaa xasaasiyad inuu qaado cunugaaga “anti-allergic”, taasi oo yareyneyso cudurada qaar sida, neefta, sanboorka, iyo cuncunka maqaarka ku dhaca kuwaasoo laga keeno caanaha xoolaha.
  • Caanaha hooyada waxaa ku jira antibody IgA kasso albaabada ka xira proteino qalaad in laga dhuuqo xiidmaha, kuwaasoo qatar ku noqon kara ilmaha yaryar.
  • Ilmaha hooyadood naas nuujisay, waxay ka badbaadaan cudurka lafaha qaloociya ee “Rickets”, maxaa yeelay caanaha hooyada waxaa ku badan Vitamin D iyo Calcium/Phospate isku dheeli tiran
  • Caanaha hooyada waxay ka hortagaan in ilmaha ay ku dhacdo dhiig yari.
    – Caanaha hooyada waxaa ku jira bir 2 jeer ka badan inta caanah lo’da ku jirta
    – Caanaha hooyada waxaa ku jira waxyaabo u kaalmeeya ama saacida in birta si sahlan looga nuuqo xiidmaha
    – Birta ku jirta caanaha hooyada saxarada ma soo raacdo caksiga kan lo’da
  • Ilmaha la nuujiyay ilkahooda way ka koriin fiican yihiin ilmaha aan la naas nuujin
  • Caanaha hooyada looga baqi maayo, inay uraan amaba sumoobaan oo ilaahaa meel xafidan galiyay

Fikradaha Akhristayaasha (0)