MAANSO ABWAAN SOMALIYED OO MACAAN

Haddii wayahii wax laga baran
haddii wayoaragnimadu talin
haddii waarabaahu ku beylahsaday
haddii aadan wadankaan u tashan
Haddii warankan sokeeyiyo qabiilkaan baas laga gudub
haddii waabaayda cadawgiyo doqontaadu isbiirsadeen
haddii ethiopia wadankii rabtoo, badweyntii carab la saxiixatoo, Oromo kusoo daabushay waa yaabe soomaalaay sidee rabtaa?!!

taariikh hore waxay tiri:
-Libaax waabaaad eheyd
-wadankiisa difaacan jiray
-wadajir ku faani jiray
-waxaan aan u qalmin iyo walaal dooxa qaadan jirin.
– cadawguna ka waaban jiray.

Maantayse waa mid kale :
– Doqon dibad ku wareertay baa talo u dhiibatoo reer galbeedku maamulo.
-Dalalo dano gaara leh iyo daris xudooda doona ah baad dan iyo maciin bideen.
– maamulqabiileedyo calano sameystaybaa wadankii iibgeynayee sow taa na dalaalayaan.
– Ethiopia dantey leheyd hagardaamooyin badnaa maantay waa taa banaanka keentayoo hal dal ayeynu nahay tiri.

waano waxay tiri
– dalku waa raasumaal jilaalka dambiyo ubadkeenu leeyahay.
– dad kaa badan iyo biyo kaa badan waa ku qaadaan.
– daw maaha in aad daa’in wixii uu kuu gartay u deyso mid kula mid ah-
– dayac wixii maantay tago beri waa taariikh dayarteeno nagala hari.


Fikradaha Akhristayaasha (0)